Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905
Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905) Adal Sultanate oo Gaashaanbuur la aheyd Ottoman Empire oo Xakumi Jirtay Zeila, Dakkar, Harar, iyo Aussa, Mudadii u dhaxeysay 1415__1577 Ayaa Wiiqantay Sanadkii 1577 kadib kacdoonkii Oromada ee la Kowsaday Geeridii Boqor Amiir Nuur, Haraadigii Canfarta (Afar) Waxa ay u Rareen Xaruntooda Aussa iyo dhanka Howdka Danakil iyaga oo Hogaamiye ka dhigtay Mohamed Jasa. Harar Iyada Waxaa laga Unkay Nidaam kale oo uu Hogaaminayey Ali Bin Daud Sanadkii 1647kii, Maamulkaasi oo Harar ka Talinayey Tan iyo Sanadkii 1875kii, Kolkaa oo ay Harar la Wareegeen Talisyadii Masaarida Ee Gulufka Ku Qabsaday. #Aqri Avishai Ben-Dror, The Egyptian Hikimdariya of Harar. Sida Ku xusan Bogga 12aad ee Buugga "Somalia: Nation in Search of a State" Ee David Laitin Tixraaca lagu Baahiyey Westview Press 1987, oo u Tibaaxan Sidatan: (kadib Bixitaankii Masaarida, Harar waxa ay Gashay Muddo gaaban oo Madax-banaani ah, Ka gadaal Boqor Menelik Ay...