Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905

Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905)

Adal Sultanate oo Gaashaanbuur la  aheyd Ottoman Empire oo Xakumi Jirtay Zeila, Dakkar, Harar, iyo Aussa, Mudadii u dhaxeysay 1415__1577 Ayaa Wiiqantay Sanadkii 1577 kadib kacdoonkii Oromada ee la Kowsaday Geeridii Boqor Amiir Nuur, Haraadigii Canfarta (Afar) Waxa ay u Rareen Xaruntooda Aussa iyo dhanka Howdka Danakil iyaga oo Hogaamiye ka dhigtay Mohamed Jasa.

Harar Iyada Waxaa laga Unkay Nidaam kale oo uu Hogaaminayey Ali Bin Daud Sanadkii 1647kii, Maamulkaasi oo Harar ka Talinayey Tan iyo Sanadkii 1875kii, Kolkaa  oo ay Harar la Wareegeen Talisyadii Masaarida Ee Gulufka Ku Qabsaday.
#Aqri Avishai Ben-Dror, The Egyptian Hikimdariya of Harar.

Sida Ku xusan Bogga 12aad ee Buugga "Somalia: Nation in Search of a State" Ee  David Laitin Tixraaca lagu Baahiyey Westview Press 1987, oo u Tibaaxan Sidatan:
(kadib Bixitaankii Masaarida, Harar waxa ay Gashay Muddo gaaban oo Madax-banaani ah, Ka gadaal Boqor Menelik Ayaa Ku Qabsaday Guluf Isaga oo hoos geeyey Boqortooyadiisii Sanadku marki uu ahaa 1887kii,
Menelik Si Faan Ku jiro ayuu ugu dhawaaqay isaga oo Ku Amar-Taagleynaya Harar Oraahdiisii Caanka aheyd: " Halkani Ma ahan Dhul ay Muslimiintu Iska Leeyihiin, Sida uu ogsoonyahay Qof waliba" Isaga oo ula  jeeday Harar.)

* Eeg Sawirka 1aad Dagmäwi Menelik (1844__1913) Emperor of Ethiopia .

Yoolka fog ee Xabashida Waxa uu ahaa Qabsashada Harar iyo Banaadir, Hadaba sida uu Ku xusayo Dr. Lee Cassanelli Buugiisa " "The shaping of Somali society, 1600-1900" ee  ay Baahisay Jaamacadda  (University of Pennsylvania),Press 1982 _ Bogga 200aad, Sanadki 1905tii Amxaaradu waxa ay Soo Qaadeen Guluf Dagaal oo ay horsoconayaan Guutooyin u badan Fardooleey oo uu sahankoodu yahay Hareer raaca labada jiin ee Wabiga, Amxaaradu Waxa ay Gulufka kasoo bilaabeen Dhulka Ogaadeenka ee Ku teedsan Jigjiga, Amxaaradu waxa ay dagaallo Qaraar lasoo galeen Karanle, Jidle iyo Jajeele, Gulufka oo Socday Muddo Saddex sano ah, Waxa ay Raacyada Amxaaradu soo Gaareen Magaalada Balcad.

Kadib kala fur-furashadii Boqortooyadii Hiraab dhamaadka Qarnigii 19aad, Moobleen Cismaan ayaa Ku xooganaa Dhulka uu iminka dhaco Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Sida uu tilmaamayo Dr. Lee Cassanelli Gulufka Amxaarada  waxa ay Moobleenku Ku jebiyeen Deegaanka Yaaqle ee iminka Dhaca Waqooyi Bari Magaalada Balcad.

*Yaaqle: Eeg Sawirka 2aad ee Ka Tilmaan bixinaya Falaarta Qariiradda Yaaqle.

Moobleenku waxa ay Aaminsanaayeen in Gaalada Madoow ay ka Halis badanyihiin Gaalada cad (Talyaaniga) oo kolkaa Soo degayey Banaadir, Moobleenku Waxa ay Yoolka Labaad saarayeen Adoonsiga Xabashida Si loogu adeegsado Qodaalka Beeraha.

Dadka Xusa Taariikhda waxa ay isku raacsanyihiin in Dhismaha Kaambo Amxaaro ee Iminka Ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir Ay Aheyd Halka lagu kala iibsan jiray Adoomadii Xabashida ee Lagu Qabtay Gulfka.

* Qofki aan Garasho Fog u laheyn Moobleen:
Waa Moobleen Cismaan Dalandoolle Mudolood oo La walaal ah Abgaal Cismaan iyo Wacdaan.

W/Q:  A.Q. Daamey

Comments

Popular posts from this blog

Cabdulaahi Ciise __ Halgan iyo hal adeyg xorriyad doon

Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam