Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam

Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam 
==================================


Saldanaddii Moqadishu (Mogadishu Sultanate) oo boqolleydii 9aad ama 10aad ka talin jirtay Moqadishu ayuu aaminsanyahay I.M.lewis in ay ahayd muslim, waxa ay ahayd saldanad leh xiriirro ganacsi oo aad u xooggan iyo lacag u gooni ah, kahor inti aysan ku biirin awooddii islaamiga ahayd ee soo kacday boqolleydii 13aad ee (Ajuran Sultanate) taasi oo taliskeeda ku fidisay badi dhulka geeska afrika.

Ibn Sa’id al-Maghribi (1213–1286) oo socdaal ku maray Moqadishu wuxuu tibaaxay in ay Moqadishu ahayd magaalo islaami ah oo ka dhex muuqatay gobolka.

Socdaalkii Ibn Battuta uu ku maray xeebaha soomaaliya hilaaddii 1331ki, waxa uu ku tilmaamay Moqadishu in ay ahayd magaalo hodon ah "magaalo aad u wayn" oo ay ku noolyihiin maal qabeenno badan oo xirta dhar qiimo badnaa oo loo dhoofin jiray Egypt iyo meelo kale.

Ajuran Sultanate oo ahayd boqortooyo (Islaami) ah ayaa muddo dheer ka talineysay geeska afrika oo ay ku jirtay Moqadishu, kahor inta aysan ku hooban gulufyadii adkaa ee (dhanka galbeed) ay kala gashay Oromada (gulufkii gaala madoow), bariga iyo xeebaha (dirirtii portugese) waxa ayna ugu danbeyntii burburtay bartamihi boqolleydii 17aad.

Boqortooyadii Hiraab Imamate oo 1624ki ku istaagatay cagaheeda, ka gadaal burburkii Ajuran Sultanate, ayaa taliskeeda ku fidisay Obbio (hobyo) tan iyo Moqadishu, kahor inti aysan burburin hilaaddii 1860ki _ 1880ki.

1905ti, isku daygii Menelik II ee qabsashada Banadir, waxa ay qabaa'ilkii Moobileen ku jebiyeen gulufkii xabashida ee uu hogaaminayey (Ras makenon) deegaanka Yaaqle oo u dhow Balcad, gulufka xabashida oo soo raacay wabiga wuxuu yoolkiisu ahaa Moqadishu, buntuqleydii Sheekh Xasan Barsane, xertii Sheekh Aweys, Gaaljecel, Jajeele ayaa iyaguna dagaallo culus lasoo galay xabashida si ay u hakiyan, ugu danbeynna Moobileenka ayaa jabiyey xabashida, kahor inta aan addoomadii xabashida lagu kala iibsan suuqii (kaamba amxaaro) oo iminka ku yaalla dagmada Cabdicasiis ee Magaalada Moqadishu.

Moqadishu waxa ay hooy u noqotay dhaqdhaqaaqii gobanimo doonka iyo dhagax tuurkii lagaga hortagey gumeystihii talyaaniga, 1960ki ayeyna caasimad buuxda u noqotay guud ahaan shantii qeybood ee uu gumeystuhu u qeybiyey qowmiyadii soomaaliweyn.

3di & 4ti October 1993ki, Moqadishu waxaa ka dhacay gulufkii (The battle of Mogadishu) ama (the day of the Rangers) kaasi oo dunida ka galay taariikh gooni ah laguna jebiyey ciidamadii soo duulay ee mareykanka.

2007 & 2008, waxa ay Moqadishu markale soortay dirir adkayd oo dalka looga saaray gumeysigii xabashida, dadka reer Moqadishana waxa ay dagaalkaasi ku waayeen tobanaan kun oo ruux.

2020, waxa ay Moqadishu wajaheysaa masiir cusub, ka gadaal 10 qarni iyo dheeraad oo ay hooy, ilbaxnimo, xuddun halgan iyo hooyo kulmisa ay u ahayd ummada faca weyn ee soomaaliyeed.

Maqaamka Moqadishu, iyada oo la tixgelinayo sooyaalkeeda, waxa uusan hureyn in maamul hoosaadka iyo metelaadeeda gaar ahaaneed (ee ku kooban magaca Moqadishu) ay yeeshaan ab iyo awoowe ka dhaxalkii reer Moqadishu (mar haddii wax lagu qebysanayo deegaan). 

Markalana, waa Moqadishee, waa in ay hooy, xuddun iyo caasimad u noqoto dowlad iyo ilbaxnimo walba ee soomaaliyeed, wixii soomaali ka wada dhaxeeya ee Moqadishu la keenana ay dadka reer Moqadishu ula sinaadaan soomaalida kale, xil iyo masuuliyad gaar ahna ay iska saaraan halgan iyo difaac walba oo loo gelayo dowladnimada iyo ilbaxnimada soomaaliweyn ee 11ka qarni harsaneysa hooska Moqadishu.


W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey


Mogadishu Sultanate

Comments

Popular posts from this blog

Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905

Cabdulaahi Ciise __ Halgan iyo hal adeyg xorriyad doon