Cabdulaahi Ciise __ Halgan iyo hal adeyg xorriyad doon




Cabdulaahi ciisa Maxamud (1922_1988), ina Marera diini, Ku dhashay Afgooye, waxaa korsatay hooyadiis kadib geeridii aabihiis oo Kusoo beegantay waxyar kadib dhalashadiisa, waxbarashadii asaasiga waxa uu Ku qaatay Muqdisho, 1944ki waxa uu Ku biiray naadigii dhallinyarada soomaaliyeed, isaga oo 1945ki yagleelay faraco kala duwan ee uruka.

1947ki waxa uu cabdulaahi ciisa ka mid noqday golihii dhexe ee ururka, isla dhamaadkii 1947ki waxaa loo doortay Xoghayihii guud ee ururka SYL isaga oo bedelay Yaasiin xaaji Cusmaan.
*Tixraaca: African Historical Dictionary series No.87 boga 21aad.

Cabdulaahi ciisa waxaa lagu xasuustaa dhambaalkiisii uu ka jeediyey qaramada midoobay isaga oo matelayey urukii SYL Kahor qabsoomidii kulan weynaha jamciyadda QM 7dii ocotobar 1949ki, dhambaalka oo ahaa mid uu dunida Ku dareensiinayo xaqqa ay soomaalidu u Leedahay xorriyad buuxda ayaa u tibaaxnaa macnahan kooban:

"Mudane gudoomiye, xubnaha sharafta leh;
Waxaan Ku dhiiranayaa in Uusan jirin manduub, Dowlad iyo qof na metelaya, waxa aan sugeynaa go,aamintiina Mustaqbalka dalkeena iyo dadkeena, waxa aan rajeyneynaa, sidaas awgeed, go,aan kama Danbeys ah oo waafaqaya xaqa ay dadyoowgu u Leeyihiin go,aanka masiirkooda.
Waa sababta aan halkan ugu sugannahay, inaga oo kumanaan meyl Kasoo fog dhulkeena iyo guryaheena, inaga oo u halgameyna cadaalad iyo xorriyad taasi oo saameyn kuleh quluubteena iyo quluub badan oo halkan Ku sugan kuwaasi oo waaya aragnimo badan u leh uurkutaalooyinka gumeeysiga iyo noocyadiisa kala duwan ee sharta badan.
Waan ogsoonahay in kuwa na gumeeystaahi ay yihiin kuwa awood leh, oo xittaa halkan golaha QM uga awood badan ummadaha taagta daran sida soomaalida.
Furitaanka qaybtan 2aad waxa aan la nimid kalsooni buuxda oo aan Ku qabno QM.
Markale waxa aan halkan ka cadeyneynaa in aynaan raali ka noqon doonin gumeeysiga talyaaniga hab walba iyo qaab walba uu yahay.
Waxa aan ka rajeynaa xubnaha sharafta leh in ay qiimeyn doonaan rajada ummada soomaaliyeed" 

Khudbadda oo aad u dheereed kana koobneed 10 safxad oo aanan soo wada xigan, waxa uu cabdulaahi ciise ku muujiyey halgan Ku dhisan karti iyo hal adeeyg, kolkaa oo loo aqoonsaday khudbadiisii mid kamid ah Kuwii ugu saameynta badnaa khudbadihii  ay ummaduhu Ku dalbanayeen hanashada xorriyada.

  • QM waxa ay go,aansadeen in Somalia la geliyo maxmiyad loogu diyaarinayo Dowladnimo kolkaasi waxa uu cabdulaahi ciise hormuud u noqday maamulkii daakhiliga ee somalia isaga oo 29kii February 1956ki loo doortay Raysulwasaarihii Dowladdii daakhiliga (Somalo_Governo).

Ka gadaal hanashadii Xorriyada iyo midnimadii Somalia 1 July 1960,  Cabdulaahi ciise waxa uu weli sii watay u adeegidii Qaranka isaga oo noqday wasiirkii arrimaha Dibadda, safiirkii somalia ee QM, allaha u raxmadee waxa uu geeriyooday cabdulaahi ciise 11kii march 1988.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Comments

Popular posts from this blog

Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905

Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam