Xogaha ku xeeran ciidan badeedka Ethiopia
Kadib go,itaankii Eritrea 1991ki waxa ay Ethiopia noqotay dal aan laheyn marin badeed, waqtigaas kadib waxa ay Ethiopia qaab ahaan burburisay ciidankeedi badda, hayeeshee Sanadihii u danbeeyey waxa ay Ethiopia markale dib usoo kobcisay qorshaha ay ku dooneyso dhismaha ciidan badeed awood leh taasi oo shakiyo badan ka dhalisay Gobolka geeska Africa.
Isaga oo ka hadlaya muuq baahiyaha sanadkii tagey waxa uu Dr abiye Ahmed yiri "waxa aan dhisnay ciidan dhul iyo ciidan cir oo ka mid ah kuwa ugu Awoodda badan Africa, iminka waa in Aynu dhisnaa ciidan badeed istiraatiiji u noqon doona Mustaqbalka Ethiopia",
Ethiopia waxa ay iminka Ganacsi ahaan ugu tiirsantahay dekadda Djibouti halkaasi oo ay uga soo dagaan 95% waxyaabaha loosoo dhoofiyo Ethiopia, Sidoo kale waxa ay Ethiopia qayb ka noqotay heshiiskii DPWorld iyo Somaliland iyada oo hantisay 19% saamiga dekadda berbera, waxa ay sidoo kale Heshiis la gashay Somalia kolkaasi oo loogu yaboohay 4 dekadood, waxa ay sidoo kale heshiis horudhac ah la gashay dalka Sudan kaasi oo Dhigaya in ay Ethiopia isticmaasho dekadda Portsudan.
Ethiopia oo iminka iska leh 11 markab oo ganacsi waxa ay yagleeshay machadka culuumta badda (Ethiopia maritime institute) kaasi oo iminka tababaraya in ka badan 500 oo Engineero iyo Farsama yaqaanno ah, qorshaha u deggan machadka ayaa ah in uu sanad waliba soo saaro 1000 sarkaal oo xirfad iyo Aqoon u leh arrimaha badda.
Birhanemeskel Abebe oo ah diplomaasi Ethiopian ah waxa uu qabaa in ay Ethiopia xaq u Leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah isla markaana ay ilaashato maraakiibteeda Ganacsi ee u kala gooshaya China, South Korea, Khaliijka Carabta, Japan, Singapore iyo South Africa.
Balse saadaasha Ku saabsan wadamada ay Ethiopia ka heli doonto saldhigyo ciidan badeed ayaa ah mid ay ka taaganyahay hadal heyn fara badan.
Ethiopia waxa ay dhawaan heshiis dhanka difaaca ah la gashay France kaasi oo ay qodabadiisa ka mid yihiin in ay France ka caawiso Ethiopia dhismaha ciidanka badda, Arrintaasi oo u muuqata in ay Ethiopia Ku raadsaneyso derbi awood leh oo ay Ku tiirsanaato Siyaasad ahaan, maadaama ay Gobolka geeska Africa Ku hardamayaan wadamo fara badan sida USA iyo China oo Saldhigyoo military Ku leh Djibouti iyo dowladda UAE oo saldhig military Ku leh dekadda Assab ee dalka Eritrea iminkana saldhig ka dhisaneysa Dekadda berbera ee Somaliland, iyo sidoo kale dowladda Turkey oo heshiis kula gashay Sudan in ay saldhig military ka dhisato dekadda Sawaken ee kulaaleysa badda cas.
W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey
Comments
Post a Comment