Lixda biyo-shubad ee muranka badda

 Iyada oo laga duulayo damaca soo jireenka ah ee Ethiopia, dareenka diidmada ah ee shacabka Soomaaliyeed, u hanqal taagga Somaliland ee helidda aqoonsi, falcelintii dowladda Federaalka Somalia, danaha is diiddan iyo hardanka waddamada mandiqadda iyo waliba xeerarka caalamiga ah iyo shuruucda u deggan Qaramada Midoobay. Waxa aan halkan ku koobayaa Lix dhammaad oo uu ku biyo shuban karo muranka la xiriira badda iyo dekadaha ee soo cusboonaaday.

Isbedellada ka iman kara gudaha Somaliland iyo galaangalka diblomaasi ee dowladda Soomaaliya ayaa ah labada qodob ee ugu saameynta badan ee dhalin doona natiijada kama dambeysta ah waxaa taasi wehliya awoodda kacdoon ee ay Soomaalidu ku xaqiijin karto kahortagga damaca Ethiopia. 

Lixdaan arrin ayaa inta badan middood noqon kartaa kama dambeysta soo afjari doonta muranka badda iyo dekadaha ee uu dhaliyey is afagaradkii dhexmaray Muuse iyo Abiye:




1. Golaha wakiillada Somaliland oo ka horyimaada is afgaradka sidaasna ku baajiya saxiixa heshiiska kama dambeysta ah ee loo madlanyahay bil kaddib. Qodobkani waa mid aan la saadaali karin filashadiisa ama fogeyntiisa midna.

2. Dowladda Federaalka Somalia oo ku guuleysata cadaadiska diblomaasi iyo sharci ee ay ku saareyso Ethiopia ka baaqsashada xadgudub ay ku sameyso midnimada Somalia, middaasina waxa ay Ethiopia ka baajin kartaa saxiixa heshiiska kama dambeysta ah amaba fulinta heshiiskaas oo isagu sharci ahaan ah mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah. Qodobkan ayaa ah midka ay ugu hanka weynyihiin bulshada Soomaaliyeed.

3. Dowladda Federaalka Somalia oo ku qancisa Somaliland dib u dhigidda, ka fiirsashada ama ka noqoshada is afgaradka ama heshiiska inta xal waara laga gaarayo wada hadallada Somalia iyo Somaliland ee ay garwadeenka ka tahay Djibouti. Qodobkani waa mid aysan filashadiisu sahlaneyn balse soo dadajin kara xalka.

4. Kacdoon shacab oo ka curta gudaha Somaliland xilkana lagaga tuuro Muuse Biixi islamarkaana lagu helo maamul buriya heshiiskaas ama awood shacab oo lagu hor istaago fulintiisa. Qodobkani waxa uu ku xiranyahay aragtida mucaaradka iyo dadweynaha Somaliland ay ku wajahaan qadiyaddan.

5. Dowladda Federaalka Somalia oo iyada oo ka duuleysa madax banaanideeda iyo awooddeeda sharci ee ay leedahay heshiisyo difaac ama iskaashi difaaca badda ah la gasha dalal awood ahaan ka hor istaagi kara Ethiopia in ay fuliso heshiiskaas, dalalkaasi waxaa ka mid ah Masar, Turkey IWM. Qodobkan ayaa ah mid aan filasho ahaan lagu tiirsa karin balse dhici kara.

6. Ethiopia oo ku guuleysata fulinta heshiiska taasina ay horseeddo dagaallo lagu hoobto oo dhexmara Soomaalida iyo Xabashida, islamarkaana awood Soomaaliyeed lagu hor istaago fulinta heshiiskaas. Qodobkan ayaa ah biyoshubadka u dambeeya ee la filan karo, walow ay natiijada ka iman karta is herdintu ay marwalba ku tiirsantahay heerka isku duubni ee Soomaalida.


WQ: Cabdalla Qaasim Daamey

Comments

Popular posts from this blog

Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905

Cabdulaahi Ciise __ Halgan iyo hal adeyg xorriyad doon

Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam