Posts

Lixda biyo-shubad ee muranka badda

Image
 Iyada oo laga duulayo damaca soo jireenka ah ee Ethiopia, dareenka diidmada ah ee shacabka Soomaaliyeed, u hanqal taagga Somaliland ee helidda aqoonsi, falcelintii dowladda Federaalka Somalia, danaha is diiddan iyo hardanka waddamada mandiqadda iyo waliba xeerarka caalamiga ah iyo shuruucda u deggan Qaramada Midoobay. Waxa aan halkan ku koobayaa Lix dhammaad oo uu ku biyo shuban karo muranka la xiriira badda iyo dekadaha ee soo cusboonaaday. Isbedellada ka iman kara gudaha Somaliland iyo galaangalka diblomaasi ee dowladda Soomaaliya ayaa ah labada qodob ee ugu saameynta badan ee dhalin doona natiijada kama dambeysta ah waxaa taasi wehliya awoodda kacdoon ee ay Soomaalidu ku xaqiijin karto kahortagga damaca Ethiopia.  Lixdaan arrin ayaa inta badan middood noqon kartaa kama dambeysta soo afjari doonta muranka badda iyo dekadaha ee uu dhaliyey is afagaradkii dhexmaray Muuse iyo Abiye: 1. Golaha wakiillada Somaliland oo ka horyimaada is afgaradka sidaasna ku baajiya saxiixa heshi...

Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam

Image
Moqadisho: marqaati sooyaal iyo muran maqaam  ================================== Saldanaddii Moqadishu (Mogadishu Sultanate) oo boqolleydii 9aad ama 10aad ka talin jirtay Moqadishu ayuu aaminsanyahay I.M.lewis in ay ahayd muslim, waxa ay ahayd saldanad leh xiriirro ganacsi oo aad u xooggan iyo lacag u gooni ah, kahor inti aysan ku biirin awooddii islaamiga ahayd ee soo kacday boqolleydii 13aad ee (Ajuran Sultanate) taasi oo taliskeeda ku fidisay badi dhulka geeska afrika. Ibn Sa’id al-Maghribi (1213–1286) oo socdaal ku maray Moqadishu wuxuu tibaaxay in ay Moqadishu ahayd magaalo islaami ah oo ka dhex muuqatay gobolka. Socdaalkii Ibn Battuta uu ku maray xeebaha soomaaliya hilaaddii 1331ki, waxa uu ku tilmaamay Moqadishu in ay ahayd magaalo hodon ah "magaalo aad u wayn" oo ay ku noolyihiin maal qabeenno badan oo xirta dhar qiimo badnaa oo loo dhoofin jiray Egypt iyo meelo kale. Ajuran Sultanate oo ahayd boqortooyo (Islaami) ah ayaa muddo dheer ka talineysay geeska afrika oo ay ...

Cabdulaahi Ciise __ Halgan iyo hal adeyg xorriyad doon

Image
Cabdulaahi ciisa Maxamud (1922_1988), ina Marera diini, Ku dhashay Afgooye, waxaa korsatay hooyadiis kadib geeridii aabihiis oo Kusoo beegantay waxyar kadib dhalashadiisa, waxbarashadii asaasiga waxa uu Ku qaatay Muqdisho, 1944ki waxa uu Ku biiray naadigii dhallinyarada soomaaliyeed, isaga oo 1945ki yagleelay faraco kala duwan ee uruka. 1947ki waxa uu cabdulaahi ciisa ka mid noqday golihii dhexe ee ururka, isla dhamaadkii 1947ki waxaa loo doortay Xoghayihii guud ee ururka SYL isaga oo bedelay Yaasiin xaaji Cusmaan. *Tixraaca: African Historical Dictionary series No.87 boga 21aad. Cabdulaahi ciisa waxaa lagu xasuustaa dhambaalkiisii uu ka jeediyey qaramada midoobay isaga oo matelayey urukii SYL Kahor qabsoomidii kulan weynaha jamciyadda QM 7dii ocotobar 1949ki, dhambaalka oo ahaa mid uu dunida Ku dareensiinayo xaqqa ay soomaalidu u Leedahay xorriyad buuxda ayaa u tibaaxnaa macnahan kooban: "Mudane gudoomiye, xubnaha sharafta leh; Waxaan Ku dhiiranayaa in Uusan j...

Xogaha ku xeeran ciidan badeedka Ethiopia

Image
Kadib go,itaankii Eritrea 1991ki waxa ay Ethiopia noqotay dal aan laheyn marin badeed, waqtigaas kadib waxa ay Ethiopia qaab ahaan burburisay ciidankeedi badda, hayeeshee Sanadihii u danbeeyey waxa ay Ethiopia markale dib usoo kobcisay qorshaha ay ku dooneyso dhismaha ciidan badeed awood leh taasi oo shakiyo badan ka dhalisay Gobolka geeska Africa. Isaga oo ka hadlaya muuq baahiyaha sanadkii tagey waxa uu Dr abiye Ahmed yiri "waxa aan dhisnay ciidan dhul iyo ciidan cir oo ka mid ah kuwa ugu Awoodda badan Africa, iminka waa in Aynu dhisnaa ciidan badeed istiraatiiji u noqon doona Mustaqbalka Ethiopia", Ethiopia waxa ay iminka Ganacsi ahaan ugu tiirsantahay dekadda Djibouti halkaasi oo ay uga soo dagaan 95% waxyaabaha loosoo dhoofiyo Ethiopia, Sidoo kale waxa ay Ethiopia qayb ka noqotay heshiiskii DPWorld iyo Somaliland iyada oo hantisay 19% saamiga dekadda berbera, waxa ay sidoo kale Heshiis la gashay Somalia kolkaasi oo loogu yaboohay 4 dekadood, waxa ay sidoo kale heshii...

Riyooyinkii Dahsoonaa

Image
RIYOOYINKII DAHSOONAA "Riyooyinkii Dahsoonaa" Waa Dhigane u Qaabeysan Hab Curin Cusub oo ah (Sheekooyin Dahsoon oo u Sawiran Riyo ahaan) Kuwaa oo ka Tarjumaya Qadiyado Soomaalinimo oo Mug leh Sida Dhaqanka, Halganka, Dhallinyarada, Rajooyinka Shacabka, Dhibaatada ay Colaaduhu Ku Reebeen Dhallaanka, Odoroska Mustaqbal Ee Dowladnimo, iyo Arrimo Kale oo Dhamaantood ah Kuwa Bulshada Ku dhex leh Hadal Heyn Iyo Saameyn Intaba. "Riyooyinkii Dahsoonaa" Waxa uu Soo Bandhigayaa Qormooyin Farshaxameed Xanbasrsan Macnooyin Dahsoon iyo Riyooyin Ku Qotoma "Socdaallo Kala Gadisan" Iyo Sidoo Kale Maansooyin Ka Tusaala Bixinaya Ujeedooyinka Fog Ee Qormooyinka Buugga.

Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905

Image
Harar iyo Banaadir: (Amxaaro iyo Moobleen) (1887__1905) Adal Sultanate oo Gaashaanbuur la  aheyd Ottoman Empire oo Xakumi Jirtay Zeila, Dakkar, Harar, iyo Aussa, Mudadii u dhaxeysay 1415__1577 Ayaa Wiiqantay Sanadkii 1577 kadib kacdoonkii Oromada ee la Kowsaday Geeridii Boqor Amiir Nuur, Haraadigii Canfarta (Afar) Waxa ay u Rareen Xaruntooda Aussa iyo dhanka Howdka Danakil iyaga oo Hogaamiye ka dhigtay Mohamed Jasa. Harar Iyada Waxaa laga Unkay Nidaam kale oo uu Hogaaminayey Ali Bin Daud Sanadkii 1647kii, Maamulkaasi oo Harar ka Talinayey Tan iyo Sanadkii 1875kii, Kolkaa  oo ay Harar la Wareegeen Talisyadii Masaarida Ee Gulufka Ku Qabsaday. #Aqri Avishai Ben-Dror, The Egyptian Hikimdariya of Harar. Sida Ku xusan Bogga 12aad ee Buugga "Somalia: Nation in Search of a State" Ee  David Laitin Tixraaca lagu Baahiyey Westview Press 1987, oo u Tibaaxan Sidatan: (kadib Bixitaankii Masaarida, Harar waxa ay Gashay Muddo gaaban oo Madax-banaani ah, Ka gadaal Boqor Menelik Ay...